Somali News
Madaxweyne Geelle oo loo doortay musharraxa Xisbiga Talada haya

Kumanaan shacabka Reer Jabuuti ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen Waddooyinka waaweyn ee caasimadda dalkaasi.
Dadkan ayaa soo dhaweynayay musharraxnimada markii 5aad ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo u taagan xilka Madaxweynaha.
Khudbad uu u jeediyay Taageerayaasha ayuu Madaxweyne Geelle sheegay in Jabuuti uu gaarsiinayo horumar islamarkaana ay haddaba ka mid tahay dalalka ugu xasilloon Qaaradda Afrika.
Geelle ayaa talada dalka Jabuuti la wareegay sanadkii 1999kii waxaana u billowday sanadkii 22aad isaga oo mar shanaad isu soo taagan xilka ugu sarreeya dalkaasi.