Somali News

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Saraakiisha amniga kaddib dilkii 5ta qof

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Ciidamada amniga Galmudug awaamir ku siiyay in si dag dag ah aay howl galo u fuliyaan una soo qabtaan maleeshiyaadkii Dilalka Geystay.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in Tilaabo laga qaadi doono dadkii falkaas foosha xun geysta.

Dilka shalay ayaa lagu sheegay in loogu aargudayay lix sarkaal oo horay loogu dilay aaggaas aano qabiil.

Back to top button