Somali News

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo laga helay Covid 19

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa laga helay caabuqa Covid19 ee faraha ba’n xilligan ku haya Soomaalida.

Qoraal uu madaxweyne ku xigeenka ku baahiyay bartiisa Twitter ka ayuu ku sheegay in uu saddexdii cisho ee ugu danbaysay la tacalayay caabuqa Covid 19.

“Waxan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa, in aan la tacalayay saddex dii maalmod ee ugu danbaysay xanuunka Covid 19” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sidookale bulshada Somaliland ku booriyay in ay raacaan talaabooyin wasarada caafimaadka ee ka hortaga Covid 19.

Covid19 ayaa horay ugu dhacay siyaasiyiin Reer Somaliland ah oo uu ka midyahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/Raxmaan Cirro.

Back to top button