FeaturedSomali News

Madaxweyne Qoor-qoor, oo Dhuuso-mareeb ku soo laabtay.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ( Qoor-qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ugu maqnaa dalka Jabuuti , ayaa Isniintii manta  dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay  Guddoomiyaha golaha Barlamaanka Galmudug Dr. Max’ed Nur Gacal, xubno ka tirsan labadda gole ee Galmudug, Hawl-wadeenada Madaxtooyada iyo qeybaha kala duwan ee  bulshada.

 

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa intii uu Jabuuti ku sugnaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, wasiiro ka tirsan dawladda Jabuuti iyo madaxda sare ee Dekadaha dalkaas, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo la dagaalanka xagjirka.

 

Back to top button