FeaturedSomali News

Madaxweyne Qoor-qoor, oo iyadoon la dareemin kasoo degay Muqdisho.

 

Madaxweynaha dawlad goboleed Gal-mudug, aya goor dhaweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde, kadib markii uu kasoo laabtay shir uu uga qayb galay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meegaarka ah ee maamulka Koonfur-galbeed.

 

Imaansha Qoor-qoor oo martigeliyay shirarka Dhuusa-mareeb ee arrimaha doorshooyinka, ayaa siweyn uga duwan imaanshihii madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo siweyn looga dareemay magaalada Muqdisho kadib markii loo xiray dhammaan waddooyinka magaalada.

Majirin wax waddo ah oo loo xiray.

Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa ka qayb gelaya shir maalinta berri ah lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho oo u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah.

 

Back to top button