FeaturedSomali News

Madaxweyne Trump, oo loo haysto cashuuro uu bixin waayay.

 

$750 dollar oo keli ah, ayuu  cashuur ahaan u bixiyay madaxweynaha Mareykanku sannadihii 2016 iyo 2017-kii . Waxaana arrintaasi ay abuurtay hadal hayn badan  iyo in warbaahintu ay qaadaa dhigto mawduucaas.

 

Wargeyska New Yourk Times oo xogtan daabacay, ayaa sheegay in uu helay macluumaadka iyo diiwaanka canshuurihii uu bixiyay Mr Trump iyo shirkadihiisa 20 sano ee ugu dambeeyay.Waxaana uu wargeysku tilmaamay in canshuurta dakhliga uusan bixin 10 sano oo ka mid ah labaatankaas  sano.

 

Macluumadkan uu daabacay wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaadaya in “muddo sanado ah uu madaxwayanha ka maaganayay bixinta canshuurta”,

 

.

Donald Trumpa, ayaa been abuur ku tilmaamay  warbixinta uu qoray wargeyska  New yorka Times.

“xaqiiqadii waan bixiyay canshuurta waadna arki doontaan marka aan canshuur celinta sameeyo,” ayuu u sheegay warbaahinta.

 

Madaxwayne Trump ayaa marar badan la kulmay caqabado dhanka sharciga ah ka dib markii uu diiday in uu hay’adaha ay quseyso la wadaago dikumiintiyada la xiriira inta ay dhan tahay hantidiisa iyo ganacsiyadiisa.

 

Waa madaxwaynihii ugu horeeyay tan iyo sanadihii 1970-yadii kaasi oo aan shaaca ka qaadin canshuur celintiisa inkastoo aan sharci ahaan aysan waajib ku ahayn.

 

Macluumaadkan uu daabacay wargeyska ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka hor xilli lagu wado in Mr Trump uu ka qeyb galo dood loo qabanayo isaga iyo musharaxa madaxwaynanimada xisbiag Dimuqraadiga Joe Biden .

 

Waxaa sidoo kale toddobaadyo uun ay ka harsan tahay doorashada madaxwaynanimada ee lagu wado inay qabsoonto 3 bisha November.

 

Wargeyska ayaa xusay in ay dib u eegis ku sameeyeen canshuur celinta al xiriirta madaxwayna Trump iyo shirkadihiisa laga soo bilaabo1990-yadii, iyo waliba canshuurtiisa shaqsi ahaaneed ee sanadihi 2016 iyo 2017.

 

 

Back to top button