FeaturedSomali News

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo u xuub-siibtay hoggaamiye Xisbi Mucaarad ah

Madaxweynihii jore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xuub siibanaya hoggaamiye xisbi mucaarad ah oo la filyo in magaalada Muqdisho looga dhawaaqo.

Xisbiga cusub ee Xasnb Sheekh hoggaaminayo ayaa magaciisa lagu sheegay “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda”, waxaana ku jira Xisbiga Daljir oo shalay la kala diray, Kutladii Horusocod ee xildhibaanadii qabyo iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Lama oga waxa ku kalifay madaxweynihii hore inuu xilligan madax u noqdo xisbi siyaasadeed mucaarad ah, iyadoo uu hore u sheegay inuu taageerayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana uu yahay oday Soomaaliyeed.

Waxaa hore u soo baxday olole lagu doonayo dhismaha xisbigan iyadoo Shirar uu qeyb ka ahaa Xasan Sheekh ay ka dhaceen Turkiga iyo Muqdisho.

Tags
Back to top button
Close
Close