Somali News

Madfac ku dhacay Garoonka Aadan Cadde iyo duullimaadyadii oo joogsaday

Duullimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ayaa hakad la geliyay kaddib markii uu madfac ku dhacay gudaha Garoonka.

Rabshado ka dhashay banaanbax ay dhigayeen Midowga musharrixiinta ayaa isu beddelay gacan ka hadal waxaana uu dagaal ku dhexmaray waddada xiriirisa Garoonka iyo kM4 Ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

Qoriga Hoobiyaha loo yaqaan ayaa kudhacay gudaha Haroonka gaar ahaana goobo ganacsi, waxaa ay taas sababtay hakadka duullinaadyada Caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

Midowga musharrixiinta oo dagaalka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo saraakiisha Ciidanka.

 

Back to top button