Somali News

Magacyada 5 macallin Qur’aan oo lagu laayay degmada Cadalle ee Shabeellaha dhexe.

Dablay hubeysan,ayaa lagu soo warramayaa in macalimiin  dugsi Qur’aan ay ku laayeen degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha  dhexe.

Tirada macalimiinta la dilay ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 5 qof, waxaana la sheegay in xiliga la dilayay macalimiinta ay  subac Qur’aan ku jireen.

Kooxda dilalka fulisay,ayaa  lasheegay in ay ka baxsadeen goobta, ilaa hadana lama caddayn sababta rasmiga ah ee loo laayay dadkaasi.

Shanta macalin ee  la dilay ayaa lagu kala magcaabi jiray.

1) Sheekh Daahir Xasan Cali

2) Macalim Maxamuud Canbuure

3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe.

4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

5) Ow Muxumud Xasan Calli.

Sidoo kale macalimiinta ayaa waxaa ka mid ah labo Macalin oo walaalo ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray , Shiikh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali, sida ay ku warrantay idaacadda Radio Kulmiye.

 

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka shabeellada dhexe, kan Hirshabelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Back to top button