FeaturedSomali News

Maleeshiyo Beeleed taageersan Wadaadka Mukhtaar Roobow oo lagu arkay magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed  ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed kala taabacsan musharaxa Mukhtaar Rooobow Cali oo  xilka Madaxweynaha K/Galbeed lagu arkay xaafadaha magaaladaasi.

Maleeshiyadan ayaa intooda badan taabacsan Wadaadka Mukhtaar Roobow Cali oo hore uga tirsanaa Alshabaab, waxaana ka mida maleeshiyo uga timid Gobolka Bakool iyo qaar ka mida ciidamada maamulka K/Galbeed oo ku heyb ah Wadaadka.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka taagnaa muddooyinkii ugu danbeeyay xaalad ka dhalatay dib u dhigista doorashada madaxweynaha maamulkaasi iyo diidmo looga horjeedo qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in musharax ay wadato ku soo baxdo doorashadaasi.

Waxaa xaaladda uga sii daray Ciidamadii ay geysay dowladda Soomaaliya halkaasi, waxaana laga digayaa in doorashadii K/Galbeed ay isu bedesho colaad iyo isku dhac, kadib ciidamo kala duwan iyo maleeshiyo buux dhaafiyey magaaladaasi.

Close
Close