FeaturedSomali News

Maqnaanshaha Qoor-qoor iyo Madoobe ,ma noqon karaa fashilka shirka Muqdisho? | Akhri xogtan.

 

Labada madaxwayne ee Jubbaland iyo Gal-mudug, ayaa laba safar oo deg deg ah uga baxay magaalada Muqdisho wakhti  lagu ballansanaa in shirka maamul-goboleedyada  iyo dawladda Federaalka ahi uu ka furmo Xamar.

 

Qoor-qoor,  ayaa safar qarsoodi ah ugu baxay magaalada Nairobi. halka Axmad Madoobe-na uu aaday Kismaanyo oo dhibaato ay kasoo korartay .

 

Shirka oo mar hore baaqday, ayaa u muuqda in maantana aanu furmi karin, haddii aan layska indho tirin maqnaanshaha labada madaxweyne ee Gal-mudug iyo Jubbaland ama aanay deg deg usoo gaarin caasimadda.

 

Socdaalka madaxweynaha Gal-mudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaan lashaacin ujeedkiisa iyo weliba inta uu ku maqnaankaro waddanka Kenya.Hase ahaatee, waxa uu noqonayaa safarkiisii labaad ee uu ku aado dalal ku yaalla bariga Africa intuu jiitamayay shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho.

 

Safarkii kan ka horreeyay, ayaa Qoor-qoor, waxa uu ku tegay dalka Djibouti halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha waddankaasi Djibouti Ismaciil Cumar Geelle oo kawada hadleen arrimo khuseeya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Waxaana maalintii shalayba kadegay magaalada Dhuusa-mareeb wafti kasocda dekedaha Djibouti oo la sheegay in ay dhisayaan Dekedda Hobyo.

 

Back to top button