FeaturedSomali News

Maraakiib iyo Doonyo ku xayiran Dekedda Boosaaso | Akhri Xogtan.

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in  xeebta magaaladaas ay ku xayiranyihiin doonyo iyo maraakiib sidda shixnado ganacsi, oo kasoo shiraacday dalal kamida kuwa carabta.

 

Maraakiibtan iyo Doonyahan ku xayiran Boosaaso, ayaa lasheegay in ay u raranyihiin ganacsato Soomaaliyeed isla markaana ay kasoo shiraacdeen waddamada Cummaan iyo Imaaraadka Carabta.

 

Waxaa lasheegay in dekedda ay ku socoto shaqo maadaama ay ciidi buuxisay marinka dekedda ee ay maraan gaadiidka badda ee kusoo xirta halkaasi.

 

 

Shirkad lagu magcaabo P and O, ayaa muddooyinkii dambe gacanta ku haysa maamulka dekedda Boosaaso, waxaana lasheegay in shirkaddan oo ay leedahay DP WORLD ay hadda waddo hawlo dayactir ah kadib markii lagu eedeeyay in aanay waxba ka qaban dekedda.

 

Back to top button