FeaturedSomali News

Maraykanka, oo sheegay in duqayn ay ku dileen hoggaamiye katirsan Al-shaab.

 

Saraakiisha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaraddan Afrika ayaa shaaciyey dilka hoggaamiyaha sare oo tatirsan Xarakada  Al-Shabaab oo ay sheegeen  in duqayn cirka ah ay ku dileen 25-kii bishii Ogosto ee sannadkan.

 

Hogaamiyaha Al-Shabaab, oo Maraykanku sheegeen in lagu magcaabo  Abdulqadir Commandos, ayaa lala beegsaday duqeyn ka dhacday agagaarka deegaanka  Saakow ee gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

CabdulQaadir Kamaandoos, ayaa la sheegay in  xilal badan uu ka qabtay Xarakada  Al-Shabaab.

“Howlgallada duqeyntan waxay muhiim u tahay hoos u dhigista awoodda ay u leeyihiin rabshadaha ka socda Soomaaliya iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika. oo sheegay inay sii wadayaan cadaadiska Al-shabaab.

Geesta kale Al-shabaab weli kama ay hadalan duqayntan Maraykanku sheegay in uu ku khaarajiyay hoggaamiye katirsan.


Laga soo bilaabo  bishii Jannaayo, Taliska  Ciidamada Mareykanka ee Afrika , ayaa sheegay in ay fuliyeen 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo dagaalyahannada  Al-Shabaab.

Back to top button