Somali News

Mareykanka oo billado guddoonsiiyay askartii ka badbaadday weerarkii Black Hawk Down

Dowladda Mareykanka ayaa Billado guddoonsiisay tiro ka mid ah Askartii Marekanka ee weerarkii Black Hawk Down ka badbaaday.

Munaasibad gaar ah oo lagu xusayay sanadguurada 27aad ee ka soo wareegtay weerarkaas ayaa lagu qabtay Dalka Mareykanka.
Howlgalka Black Hawk Down ayaa ujeeddadiisu ahayd soo qabashada Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa hoggaamiye Kooxeedkii xilligaas Mareykanka dagaalka kula galay Muqdisho.

Weerarkaas ayaa loo adeegsaday 19 Diyaaradood, 12 Gaari oo kuwa Ciidamada dhulka ah iyo 160 Askari.

19 ka mid ah Askartaas ayaa ku dhintay dagaalka,waxaa ku dhaawacmay 106 Askari,waxaana dantu kalliftay in Ciidan gurmad ah loo diro halkaas.
Dagaalkaas ayaa sidoo kale lagu qabtay Askari Mareykan ah kaas oo 11maalmood kaddib la sii daayay.

Askarta la guddoonsiiyay Billadaha ayaa ka sheekeeyay xusuustooda dagaalkii Muqdisho ee 3dii October 1993dii.

Back to top button