Somali News

Mareykanka oo dalbaday in DF iyo Mucaaradka dhaqangeliyaan heshiiskii Baydhaba

Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda ugu baaqay dhaqangelintii heshiiskii guddiyada farsadama ay Baydhaba ku gaareen.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay aqbalaan talooyinka ka soo baxay shirkii Guddiga farsamada ee ka dhacay Baydhabo in si dhaqse loo bilaabo hirgelinteeda.

“Talooyinka ayaa bixinaya qaab-dhismeed cad oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya” sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Ergeyga Mareykanka ee UN-ka.

Heshiiskaas ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa shir degdeg ah oo madaxda Soomaalida isugu tagaan kaas oo uu shaaciyay MW Farmaajo hayeeshee Puntland iyo Jubaland diideen.

 

Back to top button