Somali News

Mareykanka oo duqeyntii 3aad ka fuliyay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay Soomaaliya ka fulisay weerarkii saddexaad sanadkan 2021.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Ciidamada mareykanka duqeyn ay ka fuliyeen Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay ay ku dileen xubin ka mid ah al shabaaab sidoo kalena ku burburiyeen xaruntii Al shabaab ee deegaankaas.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay la kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya ayaa maalinta berri ah u guuraya Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweynaha kalsoonida lagala boqday ee Trimp ayaa bishii November amray in Ciidanka Mareykanka ka baxaan Soomaaliya 15ka January 2021.

Back to top button