Somali News

Mareykanka oo mar kale u digay muwaaddiniintiisa jooga Muqdisho

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay war kale oo ay muwaaddiniinteeda ku sugan Muqdisho uga  digeyso halista dhinaca amaanka ah.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Rabshadihii Jimcihii ka dhacay magalada Muqdisho ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad gaaray 20 qof isaga oo sheegay in dhibaatadaasi ay xaaladda uga sii dartay.

Muwaaddiniinta Mareykanka ah ee ku sugan muqdisho ayuu uga digay dhaq dhaqaaqa waxaana uu ka dalbaday in ay is xakameeyaan sidoo kale kuwa u soo safraya Soomaaliya ayuu ka dalbaday in aysan u soo safrin Soomaaliya.

Beesha Caalamka,Qaramada Midoobey, midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa dowladda Federaalka ah iyo Mucaaradkeeda ugu baaqay in ay wadahadal ku dhameeyaan rabshadaha islamarkaana heshiis ka gaaraan doorashooyinka lagu muransanyahay.

Back to top button