Somali News

Mareykanka oo sheegay in uu dhab u qaadanayo farriintii hoggaamiyaha Al shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka feejigantahay weerarro Al shabaab ay la beegsadaan danaheeda Afrika gaar ahaanna geeska Afrika kaddib hadalkii ka soo baxay Amiirka AL shabaab.

Kiristofer Kaanes oo ah Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika oo la hadlayey mid ka mid ah warbaahinada reergalbeedka ayaa sheegay in ay ka warhayaan fariinta uu Amiirka  Al-Shabaab u jeediyay shacabka reer Jabuuti islamarkaana uu ku baaqay in si gaar ah loo beegsado masaalixda Mareykanka iyo Faransiiska ayna dhankooda qaateen feejignaantii loo baahnaa.
“Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ma dhayalsan doono fariintaas si dhab ah ayuuna u qaadan doonaa” ayuu yiri Kiristoofer Kaanes oo ah afhayeenka ciidamada  Mareykanka ee Afrika.
Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in  Al-Shabaab ay hanjabaad joogta ah ku heyso danaha Mareykanka ee gobolka maadama ay horay u fulisay weeraro dhowr ah oo lagu laayay muwaadiniin iyo ciidamo Mareykankan ah, kuwaas oo midkii u dambeeyey uu ahaa duullaankii  bishii Janaayo ee lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya.
Hoggaamiyaha AL shabaab oo dhawaan baahiyay cod maqal ah ayuu farriin ugu diray Dalka Jabuuti oo ku jira xilli doorasho waxaana uu dadka dalkaas ugu baaqay in ay beegsadaan danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee dalka Jabuuti.
Back to top button