Somali News

Mareykanka oo sheegay in uu qabtay Hub loo waday Soomaaliya, Sawirro

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidankeeda ka howlgala biyaha Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Hub fara badan oo ku wajahnaa Soomaaliya.

Markabka US 5 Fleet ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa saraakiisha la socotaa sheegeen in Hubkaas oo doon lagu waday lala doonayay Soomaaliya.

Mareykanku ma sheegin in hubka u socday Al shabaab, Daacish ama cid kale, waxaa kaliya oo uu ku gaabsaday in loo waday Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa ah kuwo beylah ah oo aanay jirin Ciidan Soomaaliyeed oo ilaaliya waxaana si sharci darro ah uga kalluumeysta sharikadaha ajaanibta ah.

Back to top button