FeaturedSomali News

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafinaya hal bilyan oo dollar | Akhri Xogtan

 

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya  Ambassador Donald  Yamamoto iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo ku saabsan yareynta deynta ay Soomaaliya ku leeyihiin seddex hay’adood oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Heshiiskan ayaa yimid xilli Soomaaliya ay sameysay dib-u-habeyn dhaqaale oo muhiim ah sanadihii la soo dhaafay iyadoo bishii Maarso ee sanadkan 2020 ay gaartay heerkii ugu horreeyay ee deyn cafinta.

 

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa goobjoog ka ahaa  heshiiska dhexmaray Soomaaliya iyo Mareykanka ee deyn cafinta.

 

Dowladda Maraykanka waxay shaacisay inay Soomaaaliya ka cafin doonto in ka badan 1 bilyan oo deyn ah.

 

Nidaamka deyn cafinta ayaa u oggolaan doona Soomaaliya inay dib u soo ceshato helitaanka taageerada maaliyadeed ee hay’adaha  caalamiga ah ah si ay u maal gashadaan dalka loona yareenta saboolnimada.

 

Back to top button