Somali News

Mareykanka oo u hanjabay Al shabab

Dowladda Marwykanka ayaa ku gooddisay in ay la imaneyso qorshe ka dhan ah Al shabaab islamarkaana ay si gaar ah isha ugu heyso dhaqdhaqaaqa Al shabaab ee geeska Afrika.

Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay si xoogan u taageerayaan dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta sharci darada ah ee ay adeegsadaan Al-Shabaab.

Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay xuseen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon .

Mareykanka ayaa Dowladda Soomaaliya ka taageera dhinaca amaanka, waxaa uu bixiyaa agabyada Ciidanka qaarkood, waxaana uu tababaraa Ciidamada gaarka ah ee DANAB.

Back to top button