Somali News

Mareykanka oo u hanjabay ciddii carqaladeysa doorashada soo socota

Dowladda Mareykanka ayaa u hanjabtay dad ay Ku sheegtay qaswadayaasha doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan kuwa Ku xadgudbaya doorashooyinka waddamada Afrika.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay Ku soo foolleedahay doorashada waxaana ay dowlada Mareykanka sheegtay in qaswadayaasha Soomaaliya ay tallaabo ka qaadeyso.

Dowladda Mareykanka amaa ka digtay ka xadgudubka dimuqraaddiyadda Afrika.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyada amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo taageerrada dhinac bani’adamnimada ah.

Back to top button