Somali News

Marwada 1aad ee Dalka oo la kulantay Museveni

Saynab Macalin Marwada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dalka Uganda kula kulntay Madaxweynaha Dalkaas Yuweri Museveni.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Kampala ayaa waxaa Marwada oo uu wehliyo Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed la kulmeen Madaxweynaha Uganda.

Saynab iyo Museveni ayaa ka wadahadlay xiriirka laada waddan,waxaana ay maanta xarigga ka jarayaan Warshad soo saarta Sokorta oo laga furayo deegaanka Amuru ee Waddanka Uganda.

Museveni ayaa sheegay in Warshaddan oo ay wada maalgeliyeen Sharikad Soomaaliyeed iyo Dowladda Uganda ujeeddadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Ganacsi ee labada Waddan.

Waxaa uu xusay in Saynab ay laba maalmood oo shaqo ah ku joogto Dalka Uganda islamarkaana ka qeybgeli doonto munaasibadda xarig jarka ah.

Back to top button