Somali News

Masar oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeyneyso dagaal dhexmara DF iyo Somaliland

Wakaaladda wararka Waddanka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay in Dowladda Masar ay ku howlantahay sidii ay Soomaaliya ugu horseedi lahayd in ay dab ku dhacdo.

Wakaaladda AA oo soo xiganeysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay Masar ay isku dayday in ay Soomaaliya kula saaxiibto taageero Milatari oo ay siiso hayeeshee ay Dowladda Federaalka ah ka biya diidday arrintaasi.

Intaas kaddib Diblomaasiyiintu waxaa ay sheegeen in Masar ay xoogga saartay Somaliland oo ah Gobol ka mid ah Soomaaliya hayeeshee gooni isutaag sheegtay.

Dowladda Masar ayaa waxaa ay Somaliland weydiisatay saldhig Milatari sida ka muuqata Warbixinta Wakaaladda Wararka ee Turkiga.

Anadolu Agency waxaa kale oo ay sheegtay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya looga horgeyn lahaa Somaliland islamarkaana uu dagaal ka dhex qarxo Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.

Back to top button