Somali News

Masar oo Soomaaliya ka taageereysa horunarinta dhaqaalaha

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ee aanu walaalaha nahay oo uu hoggaaminayay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa loogaga wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba, waxaa kale ay ku fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida inteeda kale.

Sidaasi si la mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maalintii Axadda oo ku beegnayd 6 Disember, waxa uu qaabilay Wafdiga Masar ee ka qeybgalayay Madasha wax wadaagga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee lagu marti-qaado qaar ka mid ah Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika xoojinta xiriirka iyo weyneynta danaha si loo gaaro iskaashi sal ballaaran oo ku sal go’an nacfi is-dhaafsi iyo guul wadaagid.

 

Back to top button