Mashruuc lagu hormarinayo Xirfadda Farsamada Gacanta oo Muqdisho lagu daah-furay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu daah furay mashruuca horumarinta Xirfadda Farsamada Gacanta. oo ay ku baxeyso Lacag dhan 13 Milyan oo Euro, kaasoo uu uu maalgelinayo Midowga Yurub iyo si gaara dalka Jarmalka.
Munaasabadda Daahfurka Mashruuca waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassn, Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya Annett Guenther, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Jaamac iyo xubno kale.
“Maanta waxaan si rasmi ah u daah furay mashruuc loogu talo galay in lagu kobciyo aqoonta xirfadleyda farsamada gacanta, mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Euro, 8 Milyan oo mida waxaa bixinaya Midowga Yurub, halka 5-ta Milyan ee Euro ay bixinayaan Jarmalka..” ayuu yiri Wasiir Goodax.
Wuxuu intaas ku daray in mashruucan uu soo saari doono 3000 qof, muddo gaaban, isagoo sheegay in laga hirgelin doono guud ahaan dalka gaar ahaan meelaha dadka ku badan yihiin.