Somali News

Mas’uul ka tirsanaa Degmada Jalalqsi oo la dilay

Koox hubeysan ayaa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dilay mas’uul dhinaca ciyaaraha ka tirsanaa.

Maxamed Xuseen Maxamed oo ahaa Guddoomiyaha Sport-ga degmada Jalalaqsi ya lagu dilay halkaasi.

Koox hubeysan ayaa toogtay Maxamed waxaana ay Isaga baxsadeen goobtii ay ku dileen.

Ciidamada maamulka degmada Jalalaqsi ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay halkaad ka qaadeen meydka Guddoomigaha la dilay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiyaha Sportiga Jalalaqsi.

Dhawaan ayaa sidan oo kale mas’uul ka tirsanaa Xaafadaha magaalada Baladweyne lagu dilay Magaaladaaas, waxaana socda dilalka dadka xilalka ka haya Maamulka Hirshabelle.

 

Back to top button