Somali News

Maxaa looga hadlayaa shirka Musharrixiinta Mucaarad ka ah ee berri furmaya?

Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berri ah marti gelineysa shir ay yeelanayaan musharrixiinta mucaaradka ah.

Ajendaha shirka Mucaaridka ayaa ah in ay si wadajir ah u qaaddacaan doorashada qorsheysan, Guddiyada doorashooyinka iyo habka loo wado u diyaar garowga doorashada.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalin ah ayaa waxaa isugu imanaya dhamaan musharrixiinta mucaaridka ku ah dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shan ka mid ah musharrixiinta berri ka geybgalaya shirka Mucaaridka ayaa maanta hal diyaarad ka soo wada raacay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo ay musharrixiinta mucaaridka ah ka karaar qaataan.

Back to top button