FeaturedSomali News

Maxaa baajiyay, shir-madaxeedkii ay Soomaaliya u ballansanayd maanta ?

Shirka turxaanbixin arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya oo lagu waday in maanta oo Khamiisa uu gelin hore ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa gabi ahaanba baaqday.

Wararka aannu helaynno, ayaa sheegaya in shirku uu furmi waayay arrimo farsamo oo qabyo ah; inkasta oo aanay jirin xog-faahfaahsan oo ku saabsan farsamooyinka lasheegay in  shirka baajiyeen.

Guud ahaan madaxweynayaasha dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shirka qayb ka ah ayaa ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Warar aannu helaynno,ayaa tilmaamaya in shirka dib loo riixay ilaa maalinta Sabtida ee todobaad ka dambe.

Laba shuruud oo ay hordhigeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubballand , ayaa shirka kusoo simay in ilaa wakhtiga uu daaho, hase ahaate midka mida shuruudaha oo ah in dhammaan madaxda maamulladu ay yimaaddaan shirka, ayaa la fuliyay kadib markii Arbacadii shalay ay Muqdisho kasoo degeen Qoor-qoor, Waare iyo lagtagareen oo lasugay. Waxaase aan la xaqiijin in lafuliyay shuruud u gaar ahayd Jubbaland oo sheegaysay in gobolka Gedo laga saaro  ciidammada ay geysay dawladda federaalka ahi.

 

Shirkan oo u muuqda mid aad u jiitamaya, ayaa lasugayaa in ay kasoo baxaan go’aamo lagu jaangooyo wakhtiga rasmiga ah iyo qaabka loo gelayo doorashooyinka dalka.

Back to top button