QormooyinkaSomali News

Maxaa ka dhaxeeya Dowlad Goboleedyada Somalia iyo IGAD-dii Tigreegu hoggaaminayeen? (Qormo Culus)

Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Somaaliyeed ayaa maalmahaan ku talinayey in dawladda dhexe iyo dawlad-gobaleedyadu heshiiyaan! Laakiin su’aalahaan ma is weydiiyeen?
1. Dhismihii dawlad-goboleedyada ma loogu tala galay in ay la heshiiyaan dawladda dhexe? Mise kala qeybin iyo kala dhantaal awooda dawladda dhexe ayaaba loo dhisay?

2. Dadka iyo gobalada ay madaxda u yihiin ma ka haystaan taageero? Mise awooda dawlado shisheeye iyo beesha caalamka ayey ku goodiyaan mar kasta?

3. Somaali miyaa heshiis iyo rabitaan ku dhisatay dawlad gobaleedyada? Mise waa la dul-saaray?

4. Dhismihii dawlad gobaleedyada guul iyo horumar miyaa lagu gaaray? Mise waxaa laga dhaxlay khilaaf, muran, magac-xumo, dawlad-xumo iwm?

Haddii aad dhageysateen khudbadii ugu danbeysay ee Micheal Keating ka jeediyey Golaha Ammaanka waxa uu xusay “Nasiib-darro markii iigu horeysay ee aan Somaaliya tegay 2014 kii, waxaan ugu tegay dawlad gobaleedyada oo xiriirkii u jaray dawladda dhexe, 4 sano kadib oo aan Somaaliya kasoo tegayna waxaan kasoo tegay iyaga oo xiriirka u jaray”.

IGAD waa urur gobaleed ay ku midaysan yihiin 8 dawladood oo degan geeska Afrika loona dhisay ka hortaga xasaradaha, colaadaha iyo abaaraha geeska Afrika. Nasiib darro 25 tii sano ee ugu danbeysay waxaa hoggaankeeda gacanta ku dhigay Tigreegii Ethiopia haystay waxayna ku hoggaamiyeen Caqliyadii Gumeystaha ee aheyd kala-qeybin, kala qobqob, isku jebin, daciifin awooda dawladaha gobalka oo noqday kuwa ugu khilaafka iyo dagaalada badan adduunka oo laba laba isu wada haystay intii ay talada hayeen Tegreegu sida;

1. Kala go’ii Sudan iyo South Sudan.

2. Sudan iyo Uganda oo xiriirkii kala goostay.

3. Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal lagu hoobtay dhex maray xiriirkina kala goostay.

4. Eritrea iyo DJibouti oo dagaal dhex maray, xiriirkina kala goostay.

5. Dagaaladii Sokeeye ee Somaaliya iyo South Sudan oo ay sii huriyeen, kuna sababeen khasaare aadami iyo dib u dhac dawladnimo.

6. Sudan iyo Eritrea oo ay ka go’doomiyeen caalamka intiisa kale.

7. Somaaliya iyo Eritrea oo ay Cunaqateyn saareen.

8. Eritrea oo ay IGAD iyo ururka Afrika ka saareen.

9. Kenya kaliya oo ka nabad gashay oo iyaduna isu dhiibtay ilaa ay ONLF iyo Mucaaradka kasoo afduubtaan Nairobi dawladda Kenya na ka aamusto.

10. Dawladaha reer galbeedka iyo Carabta qaarkood oo ay Wakiil uga noqdeen geeska Afrika.

Tigreegu markii uu qabsaday Ethiopia iyo IGAD waxa uu Somaaliya u qorsheeyey in ay ku jirto; khilaaf, kala qoqob, dagaal qabiil, qax, go’doomin, dawlad la’aan iwm.

[penci_related_posts taxonomies=”undefined” title=”WARAR LA XIRIIRA” background=”” border=”” thumbright=”yes” number=”2″ style=”list” align=”none” displayby=”recent_posts” orderby=”random”]

Markii ay arkeen in Somaalidii bislaatay, kana daashay dagaaladii qabiilka, dawladna ay rabto ayey mar labaad qorsheeyeen in ay ku kala qoqobaan kuna daciifiyaan awoodeeda; FEDARAAL IYO DAWLAD-GOBALEED!

2012 kii waxa ay heleen Siyaasiin yar oo ka baqeysa soo noqoshada dawlad dhexe oo xoog leh iyo Sheekh Shariif oo ka baqaya in uu waayo doorashada, waxayna ka saxiixeen laba Mashruuc iyaga oo aan ka fikirin waxa ay dhali karaan mustaqbalkaSomaaliya;

1. Dastuurka qabyada ee federaalka oo madax iyo majaha isaga xiraya dawladda dhexe iyo kuwa gobalada, laguna diyaariyey Addis-ababa kadibna lagu saxiixay Nairobi.

2. Qorshe xasilin iyo maamul u sameyn Koofurta Somaaliya oo IGAD Mas’uul ka tahay. Qorshahaas ayaa lagu dhisay: Jubbaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, Xasan Sheekh ayaa isku dayey inuu diido qorshihii laga saxiixay Sheekh Shariif markii uu arkay khaladaadka iyo gefka madax-banaanida ee ku jira, culays ay saartay Ethiopia iyo IGAD ayuu aqbalay 6 bill kadib.

3. Puntland oo ujeedkii loo dhisay 20 sano ka hor uu ahaa in ay noqoto maamul lagu gaaro dawladnimadii Somaaliyeed sida ku cad baaqii odayaashii asaasay; ayaa Siyaasiyiin yar iyo IGAD ka dhigeen Hooyada Fedaraalka iyo Dawlad gobaleedyada.

4. Somaliland oo markii hore lagu dhisay Caadifad SNM oo aysan u dhameyn beelaha deegaanka ayaa markii danbe taageero iyo dhiirigelin ka heshay IGAD iyo Tigreegii hogaaminayay.

Haddaba Somaalidu ma gaartay xilligii dib u eegis lagu sameyn lahaa labadan Mashruuc ee Fedaraalka iyo Dawlad-gobaleedka iyada oo laga faa’iidaysanayo isbedelka Gobalka geeska Afrika oo ka guuray Siyaasadihii hore ee IGAD iyo Tegree? Mise weli waxaa jira Qabiilaysi, Gobalaysi, Cabsi awooda dawladda dhexe, bisayl la’aan iwm???.

W/Q: Maxamed N. Gacal

Tags
Close
Close