Somali News

Maxaa ka jira in Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalida ku biireen dagaalka Tigrey?

Iyada oo uu dagaal ka socda dalka Itoobiya gaar ahaanna Gobolka Tigrey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya ijn Ismaamullada Itoobiya ay qeyb ka yihiin dagaalka.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar, ayaa sheegey in ciidamada Deegaankaasi ee Liyuu Booliska loo yaqaanno aysan ka qayb-galayn dagaalka ka socda Woqooyiga Itoobiya.
Wuxuu sheegey in ay sugayaan Amniga Deegaanka.
Mustafe ayaa sidoo sheegey in aysan Itoobiyaba jirayn ‘haddii aan wax laga qaban Ururka Tigreega ee TPLF’,sida uu hadalka u dhigey.
Dagaallada culus ee ka socda Woqooyiga dalkaas ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana saaka dowladda dhexe sheegtay in ay dishay ilaa 550 ka tirsan TPLF.
Ismaamulka Tigrey ayaa sheegay in dagaalka ay ku biirtay Dowladda Eritrea islamarkaana Ciidamada dalkaas ay sohdinta ka soo tallaabeen.
Back to top button