FeaturedSomali News

Maxaa ka qaldanaa askariga Muqdisho maanta ku dilay wiilka Bajaajta wata ? | Akhri Xogtan

 

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta degmada Hodan ee gobolka Baanadir ku toogtay wiil dhallinyaro ah oo kamida darawallada Mooto Bajaaj ee magaalada.

Xaafadda Soonakey ee Degmada Hodan, ayuu dilku ka dhacay kadib markii wiilka darawalka ahi uu waddada ka qaaday askari ka tirsan ciidammada dawladda.

Askariga, ayaa lasheegay in wakhtigaa uu cabsanayaa oo aanay xaaladdii caadi ahayn.

Marxuunka, ayaa ilsa goobta ku geeriyooday markii uu askarigu ku furay rasaas badan.

Ciidammo katirsan kuwa dawladda, ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, hase ahaatee lama soo qaban gacan ku dhiiglihii.

 

Back to top button