Somali News

Maxaa ka soo baxay kulankii Golaha Amaanka ee QM ay shalay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya?

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Diseembar, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “dib u dhac dambe la’aan ah.
Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed, waxay cadeysay inay adagtahay in lasoo afjaro sababo laxiriira khilaafaadka bishii lasoo dhaafay udhaxeeyay wadamada reer galbeedka iyo xubnaha Afrikaanka ah ee golaha ku jira.
“Qaar ka mid ah soo-jeedimadeennii waa la diiday iyadoo aan la helin sharraxaad lagu qanci karo ama midna,” ayuu yiri Abdou Abarry, oo ah danjiraha Niger, qoraalka ugu dambeeya kama tarjumayo mowqifyada Midowga Afrika ayuu yiri Abdou Abarry oo ah danjira dal Niger
Back to top button