Somali News

Maxaa ka soo baxay kulankii Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle iyo Yuusuf Dabageed?

Guddoomiyaha Baraalamaanka Hirshabelle C/Xakiin Luqmaan iyo ku xigeenkiisa 1aad Siraaji Sh. Isaaq ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

War ka soo baxayGuddoomiye Luqmaan ayaa lagu yiri.

Bismillaah

Waxaa caawa aniga iyo Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Siraaji Sheikh Isxaaq Hoyga uu ka daganyahay Magaalada Baladweyne kulan kula qaadanay Madaxweyna Kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Yusuf Axmed Hagar dabageed.

Kulanka Madaxweyna ku-xigeenka ayaan ugu wada hadalnay dardargalinta Hormarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo in si hufan loogu qidmeeyo Shacabka Dowladda Gobaleedka Hirshabelle.

Waxaa sido kale Madaxweyna ku-xigeenka isla garanay in cid walba oo cabasho qabto la xaliya cabashadeeda.”.

Hirshabelle ayaa waxaa ka taagan diidmo maamulka labaad gaar ahaana beel ka mid ah beelaha deggan Gobolka Hiiraan.

 

Back to top button