Somali News

Maxaa ka soo baxay shirkii Beesha Caalamka iyo Mucaaradka?

Musharrixiinta Mucaaradka ee ku shirsan Muqdisho ayaa shir dhanka Internet ka ah la yeeshay wakiillada Caalamka u jooga Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka loogana hadlayay shirkaas ayaa loo dhigay.

“Iyadoo qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee lala yeelanayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayey Qaramada Midoobay qeyb ka aheyd xubno ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya oo maanta warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, gaar ahaan kulanka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Saaxiibbada kale ee kulanka lagu matalayey waxaa ka mid ahaa Midowga Afrika, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ingiriiska iyo Mareykanka”.

Back to top button