FeaturedSomali News

Maxaa ku cusub shirka Muqdisho oo markale loo fariistay ? | Akhri xogtan.

 

Shirka gaabiska ku soconaya ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya, ayaa lasheegay in habeennimadii xalay ay madaxdu dib isu hor fariisteen .

Wararka qaar, ayaa sheegaya in shirka laga qayb geliyay xubno cusub oo uu kamid yahay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Murasal Sh. Cabdiraxmaan iyo kusimaha raysal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Madaxweynayaasha Puntland , Jubbaland , Koonfur galbeed iyo Gal-mudug, ayaa lasheegayaa in si isku mid ah ay uga soo horjeedaan , in awood gaara lasiiyo guddiga doorashooyinka, tirada ergada ee ah 301 , in doorashada lagu qabto magaalooyinka xasiloon iyo in nidaamka xisbiyada lagu galo doorashada.

 

Madaxweynaha, ayaa keliya waxaa la argti ah sida lasheegay madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

 

Qodabadan oo kamid ah kuwii lagu gaaray shirkii Dhuusa-mareeb 3, ayaa loo arkaa in madaxweyne Farmaajo aad u danaynayo halka madaxda maamul goboleeddada badan kooduna ay diidanyihiin.

 

Back to top button