Breaking NewsFeaturedSomali News

Maxaa laga filan karaa shirka caawa u furmay Farmaajo, Deni iyo Madoobe  ?

Maxaa laga filan karaa shirka caawa u furmay Farmaajo, Deni iyo Madoobe  ?

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa shaacisay shir lasheegay in caawa uu ugu furmay villa Soomaaliya  madaxwayne Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Agaasimaha arrimaha warbaahinta ee Villa Somalia, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in shirwayne Madaxtooyada uga furmayo saddexdan hoggaamiye oo muddo dheer aad isug hayay siyaasadda.
“Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Cabdinuur Maxamed Axmad.
Dad badan, ayaa aaminsan iyo Deni iyo Madoobe ay ku adkaysan doonaan mawqifkoodii adkaa ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo wakhigeedi qabsoonta.
 
 
 
Saddexdan nin, ayaa siwayn ugu kala fogaaday siyaasadda, maadaama uu Farmaajo dagaal culus lagalay labadan madaxwayne, oo xataa uu sheegay in aanu madaxwayne u aqoonsanayn Axmad Madoobe oo uu tilmaamay in uu boobay doorashadii ka dhacday Jubbaland.
 
 
Deni iyo Madoobe, ayaa siwayn uga feejigan khiyaamooyinka madaxwayne Farmaajo oo maanta usoo dhawaystay baahidiisa gaarka  iyo doonistiisa siyaasadeed isago intii ka horraysayba ku waday dagaal gees walba ah.
 
 
 
Dhinaca kale Farmaajo, ayaa lasheegay in uu isticmaalayo lacag aad u tiro badan si uu labadan nin u ogolaysiiyo waxa uu isagu doonayo.
 
 
 
 
Sikasta ha ahaatee, waxaa isha lagu hayaa waxa kasoo baxa shirkan oo dhawr maalmood socon doona.
La soco isha Wararka
Wadani Media
Back to top button