Somali News

Maxaa loo xiray Waddada Maka Al Mukarrama?

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiray Waddada Muhiimka ah ee Maka Al Mukarrama.

Ciidamada ayaa waddada ka xiray Isgoyska Dabka ilaa xaafadda Seybiyaano ee demand Hodon.

Ilo Ku dhow Maxkamadda sare ee dalka ayaa Wadani.com u sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu maanta xarigga ka jarayo adeeg cusub oo lagu soo kordhiyay laanta Dambi baarista ee CID-da.

Dadka  Muqdisho ee waddadaas dhowr meel ka soo galayay ayaa cagtooda maalaya maanta.

Ciidamadaayaa noocyada Kala duwan ee Gaadiidka u diiday adeegsiga waddadaas waxaana xariggaasi waddada sababay Jaam iyo ciriiri ka jira waddooyinka kale ee Magaalada Muqdisho.

Back to top button