Somali News

Maxaa looga hadlay kulanka QM iyo Hirshabelle?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa beesha Caalamka kulan la qaatay.

Dhinaca Beesha Caalamka waxaa hoggaaminayay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya james Swan.

Mr Swan ayaa war uu soo saaray kulanka kaddib ku sheegay waxyaabaha ay kala hadleen Madaxweynaha Hirshabelle.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo xubno kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa  kulan horudhac ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe .

kulanka ayaa looga hadlay dib u heshiisiinta, amniga iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh Hirshabeelle sida doorashooyinka heer qaran ee soo socda iyo doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin hannaanka doorashooyinka.”

Back to top button