Somali News

Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka ee maanta?

Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Qraal lagu daabacay Bogga baraha bulshada ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 26/10/2020 waxaa at Xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin mid kamid ah kulamadooda cardigan ah.

Ajanadayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Suacabka ayaa waxaa ay kala yihiin Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha iyo u Codeyta W/B Sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa Sabtigii sheegay in kalfadhiga Golaha uu dhamaaday hayeeshee aysan fasax galeyn oo ay Shaqada sii wadayaan.

Back to top button