Somali News

Maxaa looga hadlayaa shirka dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka?

Magaalada Muqdisho wxaa maanta ka furmaya shir u dhaxeeya 5ta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Beesha Caalamka .

Shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa furre u noqday shir ay maanta isugu imanayaan Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+, si looga heshiiyo ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

DDowlad federaalka ayaa ku guul darreysatay in ay shir isugu keento dhamaan Dowlad Goboleedyada dalka.

Waxaa uu noqon doonaa markii labaad oo shir gooni ah ay yeeshaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, kaddib shirkii Dhuusamareeb 1 ee sanadkii hore.

Back to top button