Somali News

Maxaa looga hadlayaa Shirka heerka sare ee Soomaaliya?

Magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa in todobaadkan gudahiisa uu ka furmo shirka heerka sare ee Soomaaliya.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diiradda lagu saaraa waxyaabaha u qabsoonay dowladda Soomaaliya iyo qorshe howleedka cusub.

Shirka Somalia Partnership Forum ayaa Muqdisho ka furmaya 9 bisha December oo ku began Arbacada soo socota, waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkan kii ka horreeyay ayaa horaanti bishii October sanadkii 2019 ka dhacay Muqdisho, inkastoo aanay xilligaas ka soo qeyb gelin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirka Arbacada soo socota  ayaa looga hadlayaa wixii qabsoomay Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada saddexdii sano ee la soo dhaafay, amniga, siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada, caqabadaha jira, ka gudbida marxaladaha kala guurka, gaar ahaan doorashada.

Back to top button