FaaqidaadSomali NewsWarbixin

Maxaa looga hadlayaa shirka Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Imaaraadka?

Shir

Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxaa buux dhaafiyay  Siyaasiyiin Soomaali ah islamarkaana mucaarid Ku ah dowladda talada heysa.

Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa lagu wadaa in shir u dhaxeeya Wakiilo ka socda dowladda Imaaraadka iyo musharrixiinta mucaaridka ah uu ka furmo magaaladaas.

Shirkan waxaan wali tagin Madaxweynaha Jubaland kaas oo maalinta berri ah tagaya Nairobi.

Siyaasiyiinta Nairobi tagay waxaa ka mid ah Shariif Xasan, C/wali Gaas, C/Kariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale.

Waxaa sidoo kale Jimcihii shalay ahaa  tagay gaaray Nairobi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Xog uu helay Wadani.com ayaa muujineysa in ajendaha shirka uu yahay sidii Mucaaridka u  sameysan lahaayeen musharrax doorashada ugu gala xilka Madaxweynaha iyo musharrixiin jilayaal ah oo codadka ugu Shuba musharraxa ay wataan.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ayaa shaaciyay jaantuska doorashada iyada oo doorashada Madaxweynaha la qorsheeyay in ay dhacdo 8da February ee sanadka 2021.

Mucaaradka ayaa isku dayaya in si kasta oo looga adkaan karo Farmaajo ay sameeyaan.

Wali sidoo kale ma kala cadda in shirka Nairobi ay ka qeybgelayaan Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/Raxmaan C/shakuur.

Back to top button