FeaturedSomali News

Maxaa looga hadli karaa, kulanka Qoor-qoor iyo Madasha Xisbiyada mucaaradka ah ?

 

Madaxweynaha maamulka Gal-mudug, Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa kulan aan weli la shaacin qodobada looga hadlay, waxa uu la qaatay Madaxda Madasha xisbiyada Qaran ee Soomaaliya.

 

Kulanka oo jimcihii maanta ka qabsoomay Muqdisho, ayaa ku soo beegmaya xilli maalinta berri ee sabtida ah lagu wado in caasimadda uu ka furmo shirka arrimaha doorashooyinku.

 

Madasha Xisbiyada Qaranka, ayaa hore usoo jeediyay in shirka ay qayb ka noqdaan, waxaana dalabkaas taageersan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland , hase ahaatee ilaa hadda lama  xaqiijin in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay  codsiga Xisbiyada Mucaaradka ah oo doonaya in shirka ay ka qayb galaan.

 

Sikastaba ha’ahaatee,  kulankan ayaa u muuqda mid ay dhinacyadu kaga hadlayaan si uu shirka barri furmayaa u noqon lahaa mid ay u dhanyihiin saamilayda siyaasadda dalku.

 

Back to top button