Somali News

Maxaa looga shirka Guddiga ka hortagga Covid19?

Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shir guddoomiyay shirka Guddiga qaran ee ka hortagga covid19.

Shirka ayaa lagu gorfeeyey maareynta soo laba kacleynta covid19 iyo sida loola tacaalayo.

Waxyaabaha kale ee lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa sidii loo heli lahaa agab caafimaad oo lagila tacaalo  cudurka lana geeyo xarumaha caafimaad ee dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Mahdi Guuleed ayaa kulanka kaddib qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan caawa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakamaynta xanuunka COVID-19 oo looga hadlay ka hortagga, la tacaalidda cudurka Corona Virus iyo sidii agab xanuunka lagula tacaalo loo gaarsiin lahaa xarumaha caafimaadka ee Dowlad-gobolleedyada.”

Back to top button