Somali News

Maxaa loo xiray Waddooyinka gala Villa Soomaaliya?

Ciidamada Koofi casta ee ka amarqaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiray dhamaan jidadka gala Villa Soomaaliya.

Wadooyinka soo gala Tiyaatarka Qaranka ayaa saakay loo xiray Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheeynayo in uu qadbad ka jeediyo munaasabad ka dhaceysa Tiyaatarka Qaranka.

Kulanka ciwaankiisu yahay Mahadnaqaa Qorayaasha Iyo Daahfurka Aaladeynta (Digitalization) Manhajka Qaran ayuu ka hadlidoona, waxaa tiyaatarka laga soo buuxiyay ardayda dugsiga Hoose/dhexe, Sare iyo macalimiinta Wasaaradda Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa durba billaabay ololaha doorashada ee uu ku difaacanayo Kursiga.

Back to top button