FeaturedSomali News

Maxaa maanta laga filayaa shirkii Muqdisho ? | Akhri Xogtan.

 

Shirka madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa la rajaynayaa in maanta uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho ee xurunta dalka Soomaaliya.

Shirka oo  inkabadan laba todobaad soo jiitamayay, ayaa ugu dambayn maanta lagu wadaa in uu bilaabmo, maadaama ay magaalada Muqdisho wada joogaan madaxdii shirk aka qayb gelaysay.

 

Labad madaxweyne ee Gal-mudug iyo Jubbaland, ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay caasimadda kadib markii ay socdaal kooban ugu kala bexeen magaalooyinka Noirobi iyo Kismaanyo.

Bixitaanka Madoobe iyo Qoor-qoor, ayaa dib u dhigtay shirka oo lagu ballansanaa in maalintii Sabtida ee shalay  uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Back to top button