Somali News

Maxaa maanta looga hadlayaa shirka musharrixiinta?

Shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo maalintii labaad galay ayaa Muqdisho ka soconaya.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka 2020/21.

Waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa Arrimo la xiriira Qodobada kasoo baxay kulan xalay qaar kamid Musharaxiinta ay la qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku saabsan guddiga doorashada.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo, laguna dhawaaqo Midow Gole.

Back to top button