FeaturedSomali News

Maxaa meesha looga saaray 13-kii kursi-baarlamaan ee matalaadda Gobolka Banaadir ? | Akhri Xogtan.

 

Qodobadii kasoo baxay shirkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho, ayaa laga dhex waayay kuraastii matalaadda aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ee golaha shacabku uu meelmariyay sannadkan.

 

Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa 27-kii bishii juunyo ee sannadkan cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 13 kursi oo looqoondeeyay in gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka sare baarlamanka.

 

Arrintan, ayaa wakhtigaas timi kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday golaha shacabka in la meel mariyo xeerkan 13-ka  xildhibaan ee uu yeelanayo gobolka Banaadir, hase ahaate shirkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaan haba yaraateey lagu soo qaadin wax ku saabsan arrintaasi, waxaana laga dhex waayay qodobadii kasoo baxay shirka.

 

Dadka ka fallooda siyaasadda Soomaaliya qaarkood, ayaa aaminsan in arrintaasi ay ahayd olole siyaasadeed oo madaxweyne Farmaajo uu rabay in uu kusoo jiito dadwaynaha gobolka Banaadir, hase ahaatee wakhtigan ay ula muuqatay in aan loo baahnayn.

Shirka waxaa qayb ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir hase ahaatee majirto wax aragti ah oo la ogyahay in uu ka dhiibtay kuraas layska indho tiray ee matalaadda gobolka Banaadir.

 

Sikasta ha ahaatee, waxaa halkaas ku burburay xeer dhan oo baarlamanku ansixyay madaxweynuhu ballanqaaday in gobolka Banaadir uu aqalka sare ku yeelan doono 13 -kursi, taas oo ay shirka yeesheen kuna heshiiyeen beelaha dega gobolka Banaadir.

Back to top button