Somali News

Maxaabiis lagala baxay Xabsiga Laasacaanood

Wararka laga helayo Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay  Saddex Ruux si awood ah ugala baxeen Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Dadka lala baxay ayaa ahaa maleeshiyaad dhawaaan la sheegay in laba qof oo Shacab ahaa ku dileen weerar ka dhacay degaan koonfur ka xiga Magaalada laas-caanood, kuwaas oo gacanta ay ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen la bixitaanka Saddexda ruux ee dilka geystay, sida ay sheegeen dada ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Dadka lagala baxay Xabsiga Laasacaanood ayaa la shrrgayaa in loola baxsaday Dhinaca Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Back to top button